Haddaad xanuunsato

Caawimaad turjubaan

Haddii ay aad kuugu adag tahay in aad ku hadasho ama fahamto afka Iswiidhishka waxaad dalban karaa in laguu qabto turjubaan kol kasta oo la xiriireyso rugaha daryeelka caafimaadka. Sida sharcigu qorayana waxa aad ku hadasho cid kale looma gudbin karo adigoo aan ruqsad bixin.

Xafiiska warbixinta iyo talasiinta daryeelka caafimaadka (SjukvĂĄrdsupplysningen)

Waxaad saacad walba taleefan u diri kartaa Xafiiska warbixinta iyo talasiinta daryeelka caafimaadka. Waxaa halkaa jooga kalkaaliyayaal caafimaad oo shati haysta oo talooyin kaa siinaya arrimaha caafimaadka, kaagana jawaabaya sidaad isu daaweyn lahayd. Waxay kuu sheegayaan meesha aad la xiriireyso kolka aad u baahato daryeel caafimaad.

0046 771-11 77 00

https://www.1177.se/Vastra-Gotaland/

Xarunta tala-ka-bixinta sumowga (Giftinformationscentralen)

Waxaad arrimaha la xiriira sumowga kala xiriireysaa xarunta tala-ka-bixinta sumowga

+46 10 456 6700

https://giftinformation.se/

Haddaad aad u xanuunsato ama dhaawac halis ahi ku soo gaaro…

Haddii xanuun kedis ah oo aad u daran kugu dhaco ama dhaawac halis ahi u soo gaaro, waxaad toos u la xiriireysaa qaabbilaadda gargaarka degdeg ah ee isbitaalka kuugu dhow. Xarumaha gargaarka degdeg ah waxay dhaawaca iyo bukaanka daran qaabbilaan saacad walba.

Isbitaalka Jaamicadda ee Sahlgrenska (Sahlgrenska Universitetssjukhuset) waxaa ku yaal afar xarumood oo dadka lagu qaabbilo:

  • SU/Mölndal, Göteborgsvägen 31, Mölndal
  • SU/Sahlgrenska, Gröna StrĂĄket 4, Göteborg
  • SU/Ă–stra, Smörslottsgatan 1, Göteborg
  • Isbitaalka carruurta iyo dhallinyarada ee Boqorad Silvia (Drottning Silvias barn- och ungdomssjukhus), Smörslottsgatan 1, Göteborg (carruurta iyo dhallinyarada ilaa 16 sano jirka ah)

Waxaad xarunta gargaarka degdegga ah kala xiriireysaa taleefanka isbitaalka, tel 031-342 00 00

Haddaad u baahato gaadiid bukaanqaad – wac 112

Haddii aadan awoodin in aad iskaa isbitaalka u tagto ama aadan haysan cid ku caawinta, waxaad wici kartaa lambarka 112, oo ah lambarka gargaarka degdegga ah.

Warqadda aqoonsiga iyo warqadaha caymiska caafimaadka

Haddii aad dooneyso in lagugu daweeyo isbitaalada dowladda, ha illaawin in aad sii qaadato warqadaha aqoonsiga iyo warqadaha caymiska caafimaadka. Haddii aad u dhalatay dal ka tirsan Midowga Yurub warqadda caymiska yurub ama caddaynta sumaddeedu tahay E111. Waxay warqadahaasi xaq kuu siinayaan in lagu siiyo daryeel caafimaad oo u dhigma kan la siiyo dadka Iswiidhan deggan.Â