Ilmahaygu wuxuu qabaa autism Online
Ku soo dhawoow qabta la turjumey ee koorsada Ilmahaygu wuxuu qabaa Autism Online! Waxbarashadan waxaa loogu talagalay waalidka leh ilmo qaba autism.
Waxbarashadan waxaa ku jira muxaadarooyin, riwaayado iyo agab aad isticmaali karto. Waxbarashadan ayaa lagu soo saaray af Iswiidhish ka dibna lagu turjumay luqado kala duwan. Haddi aad koorsada ku qaadanayso luqada iswiidhishka, u gudub qaybta iswidhishka ah ee Taageero iyo Daawayn. Macluumaad dheeri ah kala xidhiidh qabta ku qaabilsan.
Dadka ka qaybqaatay filimada waa dad yaqaan cilmi-bulsho, cilmi-nafsi, barayaal gaar ah iyo kalkaalisooyin takhasus leh oo la shaqeeya carruurta iyo dhalinyarta qabta autism-ka. Intaa waxaa dheer oo aad arki doontaa waraysiyo lala yeeshay waalidiin kale.
Waxaan rajeyneynaa inaad heli doonto waxbarasho faa'iido leh!
Ujeeddo
Waan ognahay inay jiraan xaalado nololeed oo adkaada markaad leedahay ilmo qaba autism. Waxaan kaloo ognahay inay suurogal tahay in la beddelo xaalado adag oo laga dhigo kuwo si fiican u shaqeeya.
Ujeedada koorsadu waa in aad hesho faham, habab iyo qalab si ay noloshu kuugu noqoto mid fiican. Filinka hoose ayaan ku sheekaynaynaa wax badan oo arrintan ku saabsan!
Xog!
Nidaamka fikirka waxaad ka heli pdf-ka hoose. Fadlan eeg mar kale oo dheeri ah.
Qorshayn iyo tusmada
Koorasku waxa ku jira shan cashar iyo webinaaro/qiimayn lagu kammilay. Iyadoo lagu salaynayo baahidaada iyo shuruudaha qaabilidda ayaa qaabka webinaarada/qiimaynta kala duwanaan karaan. Casharrada waxa ku jira dhowr filin, haddii aad doorbidayso inaad akhrisato waxaad ka helaysaa nuxurka filimada dhammaadka cashar walba.
Casharka 1aad iyo 2aad
- Casharka 1aad - Baaridda autism-ka, waxqabadyo iyo taageero bulsho.
- Casharka 2aad - Dabciga iyo hawlmaalmeedyada.
- Webinaar/qiimayn iyadoo la tixraacayo wixii casharkii 1aad iyo 2aad ku jirey
Casharka 3aad iyo 4aad
- Casharka 3aad - wadahadal iyo isdhexgal
- Casharka 4aad - welwel iyo karkabo
- Webinaar/qiimayn ku salaysan wixii ku jirey casharkii 3aad iyo 4aad
Casharka 5aad iyo qalabka
- Casharka 5aad – Dugsiga iyo diraaqada
- Qalab iyo dhammayn koorso- Qalab, tusaale taageero sawireed
- Webinaar/qiimayn ku salaysan wixii ku jirey casharkii 5aad
Webinaarro/qiimayn
Inta koorsadu socoto waxa jirta fursad aad kaga qaybqaadan karto webinaaryada/qiimaynta. Kala hadal qaybta ku qaabbilsan waxa suurtogal ah ee kuu banaan.
Hadda waxaad heshay hordhac kooban oo ku saabsan barnaamijka iyo nuxurkiisa.