Väderläget påverkar delar av sjukhuset
Akut vård upprätthålls. Störningar i trafiken kan påverka bland annat transporter. Läs mer om ditt besök, kontaktvägar, uteblivna besök, med mera.
Casharka koowaad waxaan kaga hadli doonnaa baaridda autism-ka, waxtarka iyo taageerada bulshada. Soo dhawoow!
Waxaan ku bilaabaynaa inaan ka hadalno micnaha baaridda autism-ka. Waxaan sidoo kale ka hadalnaa sida loo baaro oo loo ogaado autism-ka.
Ilmaha qaba autism-ka koriimadiisii hore ayaa duwanayd, filimkan ayaan ku sharaxaynaa habka.
Autism-ku maaha wax xun ama wax ay waajib nagu tahay inaan xallinno. Laakiin waa wax goor walba aan ku qasban nahay inaan la qabsanno.
Waa caadi ah in dadka qaba autism-ka ay sidoo kale qabi karaan cillado kale, oo isku mar ah. Filimkan, waxaan kuugu sheegaynaa wax badan oo ku saabsan cilladaha isku marka ah oo caanka ah.
Baaritaannada isla socda oo caadiga ah waa:
Filimkan waxaan guda gelaynnaa sababaha keena autism-ka iyo sidoo kale saadaasha.
Waxa aan ku aragno autismka waxaa badanaa macnayn kara waxa aynaan arakayn. Filimkan, waxaan sharaxnaa annagoo adeegsanayna waxa la yiraahdo sarbeebta buur-baraf.
Si loo bedelo dabeecadi, waxa loo baahan yahay inaan fahanno waxa ka dambeeya dabeecadda. Kaliya markaas ayaad ku caawin kartaa cunuga inuu u horumaro sida ugu macquulsan.
Waxaad kaloo soo xigan kartaa sarbeebta buur-baraf markaad eegto qaabka fikirka. Waxaad u baahan tahay inaad fahanto waxa oogada ka hooseeya si aad wax u bedesho oo wax u caddeyso si isbedel keeni karta.
Marka ilmo ama qof dhalinyaro ah ogaado jawaabta baaritaanka, waxay dhalin kartaa dareenno iyo falcelinno kala duwan. Halkan waxaan ku eegaynaa waxa aad ka fekereyso marka lagu siiyo jawaabta.
Ma jiraan falcelin ama darán sax ah ama khalad ah!
Ka fikir waxa iyo inta aad rabto inaad u sheegto dadka kale.
Filinkan waxaad ku baranaysaa sababta ay muhiim u tahay in la kordhiyo fahamka, in la hagaajiyo deegaanka iyo in la horumariyo kartida iyo xeeladaha ilmaha.
Haddii aad leedahay ilmo qaba autism, waxaad xubin ka noqon kartaa urur degmo. Filimka waxaan kuugu sheegaynaa wax dheeri ah oo arrintan ku saabsan.
Halkan waxaan ku eegaynaa taageerada aad ka heli karto bulshada haddii qoysku leedahay ilmo meel naafo lka ah.
Waxaad ka heli kartaa noocyo kala duwan oo taageero ah dawladda, gobolka, degmada iyo ururada haddii aad leedahay ilmo meel naafo ka ah.
Maqal waalid kale oo ka sheekaynaya sidii ay noqdeen markii la siiyey jawaabta baaritaanka. Emil iyo Berta waxay ka sheekaynayaa siday ahayd markii ay jawaabta baaritaanka heleen.
Ma u sheegtaa dad kale wax ku saabsan ilmaha cilladdiisa? Maqal waxa ay noo sheegaan waalidiinta carruur qabta autismka! Xitaa Emil, oo qaba autismka, wuxuu ka hadlayaa siduu ugu calool fayow yahay in la ogaado cilladdiisa.
Shaqo wacan!
Hadda waxaad soo martay casharkii ugu horreeyay ee waxbarashada waalidka.
Ka fikir su´aalahan:
Haddii aad rabto inaad akhriso nuxurka fiidiyowyada casharka 1, waxaad riixi kartaa dukumeentiga hoose.