Casharka 2aad: Dabeecadda
Casharkii u dambeeyay waxa aynu si kooban u soo dulmarnay waxa duwanaan kara ee autism-ka. Casharka 2 waxa ka mid ah oo aan soo qaadan doonnaa dabeecada, danaha iyo caqabadaha caadiga ah oo maalin kasta iman kara.
Garaadka
Casharkan waxaan ku bilaabaynaa ka hadalka garaadka.
Dadka qaba autismka, awoodoha garasho ayaa noqon kara kuwo la saameeyey. Tusaale ahaan, waxa ku adkaan kara in ay wax ka eegaan dhinaca dadka kale. Filinkan, waxaan ka sheekaynaynaa wax badan oo ku saabsan sababta tani ku Iran tahay.
Xasuusnow!
Garaadka waxa ka mid ah sida aan u fekerno iyo sida aan wax u baranno.
- Waxa ku adkaan kara qorshaynta iyo debecsanaanta .
- Waxa ku adkaan kara iska saaridda sheyga aan macne u yeelayn ujeedada guud.
Wax ka qabashada xaaladaha bulsho ee adag ayaa noqon kara wax tamar badan u baahan.
Kognition och kognitiva förmågor.pdf
Fahanka
Fahanka micnihiisu waa sida loo fasiro dareennada kala duwan iyo sida ay isula falgalaan. Filinkan ayaad ku baran doontaa wax badan oo arrintan ku saabsan.
Xusuusnow!
- Dadka qaba autism-ka waxay lahaan karaan fahmid dareen oo ka xooggan ama ka daciifsan kuwa dadka kale.
- Xitaa dareemidda jirkiisa iyo dareenka dheelitirka ayaa duwanaan kara.
Fahan duwan
Dadka qaba autism-ka badanaa waxay leeyihiin dareen-fahmid duwan. Tani waxay ka dhigan tahay inay si adag uga falcelin karaan, tusaale ahaan, nal bigbig leh ama habas-nuuge dhawaaqaya. Filinkan waxaad ka heleysaa tusaalooyin badan oo ku saabsan waxa fahanka duwani keeni karo.
Xasuusnow!
Autism-ka waa caadi in qofku si kale wax u fahmo.
Taasi waxay tusaale ahaan keentaa.
Fahan duwan, tusaale ahaan, ma horseedi karaa.
Waxaad ka xulan kartaa 1–6 jawaabahan
- in dhawaq, if, dhadhan, ur loo dareemo si kale
- in qofku tusaale ahaan rabo inuu jiif wax ku cuno
- in uu qofku ku dhego tafaasiisha oo uu ka tago ujeedka guud
- in ka falcelinta dareenadu ay wakhti dambe yimaadaan
- in qofku kahdo tusaale ahaan dhar cusub ama noocyo kala duwan oo taabasho
- in qofku xasaasi ku yahay iyo/ama aanu dareemaynin kul ama qabow.
Hagaaji degaanka
Maadaama dadka qaba autismka ay yeelan karaan fahan dareen oo duwan, waa muhiim in loo hagaajiyo degaanka. Filimkan ayaan ku sharaxaynaa sababta.
Xasuusnow!
Degaanka u hagaaji ilmaha, intii aad isku dayi lahayd inaad ilmaha beddesho!
Dareen bulsheed
Qofka qaba autismka waxaa aad ugu adag inuu maareeyo xaaladaha wata dareen badan. Isdhexgalka bulshada, qofku waa inuu tarjuman karo ishaarooyinka dadka kale isku mar. Muuqaalkan ayaad ku baran doontaa sida ay kuwani isugu xiran yihiin.
Xasuusnow!
Dhexgalka bulshadu waa wax u baahan tamar aad u badan oo daal badan u keenta qofka autism qaba. Isfaham la'aan ayaa si fudud u iman karta, markaa waa in si degdeg ah loo fahmo, loo tarjumo oo laga falceliyo ishaarooyinka dadka kale.
Tusaale xaalada
Fahanka iyo dabeecadda
Carruurta qabta autism-ka ma laha ”iswad bulsheed”. Filinkan waxaan kuugu sheegaynaa iswad-bulsheeed micneheeda.
Xasuusnow!
Dadka qaba autismka uma baahnagoor walba inay "wax u sameeyaan sida dadka kale", ama inay "la qabsadaan". Taasoo ka dhigan in ay jiraan xaalado habka ay uga falceliyaan uu lama filaan ku noqdo dadka ku xaydaaman.
Haddii la fahmo dareenka kala duwan ee ilmaha, waxa sahlanaan kara in sidoo kale la fahmo falcelinta iyo hab-dhaqanka ilmaha.
Dabeecadaha caadiga ah
Lägga in text
Hawlmaalmeedyo
Filinkan waxaynu ku dhex maraynaa dabeecadaha caadiga u ah autism-ka.
Xasuusnow!
Isku day inaad fahanto waxa ka dambeeya hab-dhaqanka ilmaha. Markaa waxaad si fudud ula qabsan kartaa deegaanka.
Ha iloobin in falcelintu ay ka dambayn karto intii la filayey, markaa ka fikir wixii dhacay ka hor falcelinta ilmaha.
Waa wax caadi ah in caqabadaha maalinlaha ahi ay kordhaan xaaladaha marka ilmuhu aanu si dhab ah u garanayn waxa laga filayo, tusaale ahaan xaalado cusub. Sidaa darteed, isku day inaad u diyaariso ubadka sida ugu wanaagsan ee suurtogalka ah dhacdooyin cusub.
Tusaale hawlmaalmeedyo
Wakhtiga seexashada ama iskahorimaadyada danaha qoysaska waxay tusaalayaal u noqon karaan mushkilooyinka maalinlaha ah. Filinkan waxaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida kuwan wax looga qabto.
Xasuusnow!
Fasaxa ama tusaale ahaan safarrada, waxaa habboon in la isku dayo in aad loo diyaariyo ilmaha sida ugu suurtogalka ah adiga oo u sharraxaya waxa soo socda:
- Halkee baynu tegeynnaa?
- Goormaan aadaynaa meeshaas?
- Sideen ku tagi doonnaa halkaas?
- Maxaan samayn doonnaa markaan meesha tagno?
- Yaan la joogi doonaa?
Exempel på vardagsutmaningar.pdf
Koobka karkabada
Koobka karkabada wuxuu muujinaya sida ay arrimo kala duwani u saameyn karaan qofka autismka qaba. Filinka waxaan gudo gelaynaa waxyaabo kale, sida dhacdooyinka kala duwan ee subxeed u keeni karaan in koobku buux dhaafo.
Xasuusnow!
Si loo yareeyo khatarta ”koobka karkabada oo buuxdhaafa” ee la xidhiidha hanaanka subaxeed, waxaad samayn kartaa kuwan soo socda:
- Ka hortag, tusaale ahaan, sii diyaari dharka habeenka hore.
- Beddel, tusaale ahaan, u qubee fiid halkii subax loo qubayn lahaa.
- Caddee, tusaale ahaan adiga oo isticmaalaya jadwal waxa la samaynayo subaxdii.
Qofka qaba autismka waxaa mararka qaarkood saameeya arrimo kala duwan marka loo eego qofka aan qabin autism.
Ilaa xad, dhammaan waalidiinta waxay u baahan yihiin inay qorsheeyaan oo ay tallaabo ka sii horeeyaan si ay uga fogaadaan isku dhacyada. Waalidiinta leh carruur qabta autism, tan ayaa si weyn loogaga baahan yahay. Haddii qorshayntu shaqeyso, waxay sidoo kale kuu fududaynaysaa inaad xasillooni hesho.
Filashooyin macquul ah
Filinkan waxaan kuugu sheegaynaa sababta ay muhiim u tahay in la helo dheelitir u dhexeeya taageerada iyo mushkiladda.
Xasuusnow!
Dabeecadaha daandansi badanaa waa calaamad muujinaysa in dheellitirka u dhexeeya taageerada iyo hawshu aanu sax ahayn. Dib u qaad tillaabo si aad si fiican ugu fahanto falcelinta ilmaha!
Dhib xallin wadajir ah
Filinkan, waxaad ku arki doontaa maadeys, halkaas oo aan ku muujineyno sida wadajirka ah ee dhib loo xalin karo.
Xasuusnow!
Si dhibka jira looga gaaro xal waara, waa in lagu caawiyo ilmuha laftiisu inuu ku lug yeesho xal raadinta.
Waalid sheekaynaya
La noolaanshaha cilladda
Sidee ku tahay cunugaada inuu la noolaado cilladda? Ma jiraan cuntooyin aad ka fogaato? Ilmahaaga si kale ma looga garan karaa?
La joogidda dadka kale
Dhegeyso waalid ka sheekaynaya sida dhexgalka bulshadu tahay.
Dhammaadka casharka 2aad
Shaqo wacan!
Hadda waxaad dhammaysay casharkii labaad!
Inta lagu jiro webinaarka/qiimaynta, waxannu ka wada hadli doonnaa wixii aad ilaa hadda ka soo martay tababarkan waalidka.
Ka fikir
Waxaan ka hadalnay in xaqiiqda uu u fahmi karo qofka qaba autism si kale. Waxa kale oo lagu siiyey tusaale ah sida ay taasi u saamayn karto nolosha ilmaha. Dhammaan carruurta way kala duwan yihiin xaaladaha kuwana waa ku adag yihiin kuwo kalena waa u fudud yihiin.
- Maxaa qoyskaaga si gaar ah ugu adag?
- Ma jiraan xaalado gaar ah oo ilmahaagu ku adag?
- Maxay kula tahay in ay taasi ku xirraan karto?
Nuxurka casharka
Haddii aad rabto inaad akhriso nuxurka filimada casharka 2, riixi dukumeentiga hoose.