Väderläget påverkar delar av sjukhuset
Akut vård upprätthålls. Störningar i trafiken kan påverka bland annat transporter. Läs mer om ditt besök, kontaktvägar, uteblivna besök, med mera.
Casharkii u dambeeyay waxa aynu ku soo marnay waxa duwanaan kara autism-ka marka qabo iyadoo la eegayo fahannka, garaadka iyo habdhaqanka. Waxaan sidoo kale soo marnay sida aad u caddayn karto oo aad u maarayn karto xaalado kala duwan.
Casharka 3-aad waxaan ku sharxi doonnaa sida fahanka, garaadka iyo habdhaqanka ay u saameyn karaan wadahadalka iyo isdhexgalka bulshada.
Halkan waxa kale oo aad ka heli doontaa xog iyo talooyin la taaban karo, tusaale ahaan sida qoyskaagu u isticmaali karo taageero muuqaal ah iyo noocyada kala duwan oo taageero wadahadal ah.
Filinkan ugu horreeya waxaad ku baran doontaa wadahadal iyo isdhexgal.
Wadahadal wuxuu ku saabsan yahay wax badan erayada aad isticmaasho marka aad hadlayso.
Waxa loo baahan yahay in:
Filimkan waxaan ku sharraxaynaa sida la jirka bulshadu yahay marka autism la qabo, taas oo ah, sida ay tahay la joogidda iyo la hadalka dadka kale.
Ilmo qaba autism-ka waxa ku adag inuu
Sidaa darteed waxaad u baahan kartaa inaad ka caawiso ilmaha inuu fahmo falcelisyada iyo dhaqamada xaaladaha kala duwan.
Filinkan waxaad ka heli tusaaleyaal badan oo ku saabsan waxa duwanaan kara marka qof qaba autism uu hadlayo.
Ilmo qaba autism waxaa badanaa ku adag:
Filinkan waxaad ka heleysaa tusaalayaal ah sidaad u fududeyn karto wadahadalka iyo isdhexgalka.
Talooyin lagu dhimayo karkabada iyo shuruudaha wadahadalka::
Xog ah in wax loo caddeeyo muuqaal ahaan (taageero garaad):
Waxaad dhawaan in badan baran doontaa sida loo isticmaalo qalabka
Underlätta kommunikation och samspel.pdf
Filinkan waxaan ku sharxeynaa sidaad u isticmaali karto sawirro iyo jadwallo si aad u diyaariso, u caddeyso oo aad u sharraxdo.
Sawirada waxaa loo isticmaalaa in lagu caddeeyo, loo diyaariyo oo lagu sharaxo su'aalaha soo socda:
Jadwal cad wuxuu kordhin saadaalinta wuxuuna yarayn welwelka ilmaha. Waxa kale oo ay keentaa iskufilnaansho korodha.
Waxa kaloo aad adeegsan kartaa liiska hubinta, halkaas oo ilmuhu hadhow xarriiqi karo qaybaha uu dhammeeyey.
Filinkan waxaan ku hex geleynaa sida sheeko sawireed/sheekaysi taxane ah loo isticmaalo.
Sawirhadal waxa la adeegsadaa marka laga hadlayo wax dhacay. Sawirhadal waxa kaloo la adeegsadaa marka ilmaha loo sii diyaarinayo wax dhici doona.
Sawirhadal adoo sawiraya suurado fudud markaad hadlayso. Suuradaha la sawiray ayaa muujinaya waxaad ka hadlayso. Sawiradu way haraan oo waxay kuu sahlayaan inaad hesho muuqaal guud oo wixii aad ka hadashay ah.
Filinkan wuxuu ku tusayaa sida aad u sawirhadli karto si aad ugu diyaariso ilmahaaga wax dhici doona.
Wada sawira suuradaha oo hubi in ilmuhu fahmayo. Fadlan qaado warqadda marka aad baxayso.
Filinkan waxaan ku muujinaynaa sida aan u isticmaali karno sawirhadal si aan u baarno wax dhacay.
Sawirhadal ayaa sidoo kale loo isticmaali karaa in lagu ogaado wixii dhacay marka xaaladdu qalafsan tahay.
Waa muhiim in ilmahu oraahdiisa dhiibto inta lagu jiro sawirhadalka. Ha qiimayn sida ilmuhu u arkay xaaladda ama erayada uu ilmuhu isticmaalayo.
Maskaxda ku hay in aanay haboonayn in la isticmaalo hadal-sawir marka uu ilmuhu aad u xanaaqsan yahay. Sug ilaa uu ilmuhu dejinayo.
Sheeko bulsheed ayaa loo isticmaali karaa in lagu tuso ilmaha waxa la sameeyo marka xaaladi jirto.
Filinkan waxaad ku baran doontaa wax badan oo ku saabsan sida aad u isticmaali karto sheekooyinka bulshada.
Sheeko bulsheed waxaa lagu dhisaa in marka hore la sharraxayo xaaladda. Kadib waxa la sheegaa wixii khaldamay. Kadib waxaad sharaxdaa sida xaalada loo xallin karo. Kuna soo gunaanad xaqiijin wacan.
Tusaale sheeko bilsheed:
Berättelsen om att jag vill ha en bestämd plats på bussen.pdf
Filinkan wuxuu ku tusayaa sidaan u isticmaali karno sheeko bulsheed.
Sheekada bulsheed waxay soo koobi kartaa waxaad hesheen markaad dhacdada baarteen.
Waxaad akhrisan kartaan sheekada bulsheed dhowr jeer oo kala duwan, markaa ayaad ka caawisay ilmaha inuu wax ka qabto xaalada aad xalka u hesheen.
Maqal waalid ka sheekaynaya dhib xagga hadalka iyo habdhaqanka ah oo ka muuqata nolol maalmeedka. Waxay kaloo nooga sheekeeyeen waxa ay samaynayaan si ay u xalliyaan dhibaha ay la kulmaan.
Autism-ku ma kala si buu ugu dhacaa gabdhaha iyo wiilasha? Dhegeyso waalid ka sheekaynaya khibradiisa.
Hadda waxa kuu dhammaaday casharkii sadexaad!
Waxaad aragtay dhowr tusaale oo kala duwan oo ah habab la isticmaalo si loo fududeeyo nolol maalmeedka.
Ka fikir su´aalahan:
Hadii aad rabto inaad akhriso nuxurka filimada casharka 3aad, riixi dukumeentiga hoose.