Casharka 4aad: Welwel, karkabo

Casharkii hore waxaan ku soo marnay sida wadahadalka iyo is dhexgalka dadka autism-ka qaba uga beddelan yihiin dadka kale.

Waxa kaloo aad heshay xeelado iyo talooyin ah sida loo maarayn karo xaaladaha kala duwan ee nolol maalmeedka, tusaale ahaan adoo kaashanaya taageerada sawirka, sawirhadalka, sheekooyinka bulshada iyo xallinta dhibaatooyinka wadajirka ah.

Casharka 4, waxaan eegaynaa welwelka iyo karkabada, maadaama ay ku badan yihiin dada autism-ka qaba.

 

Karkabada

Maxaa na karkabeeya? Oo waa maxay dhab ahaan karkabo keene? Wax badan oo ku saabsan arrintan ayaad ku baran doontaa filimka.

 

Xasuusnow!

  • Waxaan karkaboonnaa marka nala saaro culays iyo shuruudo nagu adag in aynu fulino.
  • Sida looga falceliyo karkabada dadku waa ku kala duvan yihiin..
  • Haddaad aragto ilmahaaga oo karkabaysan, waxa fiican inaad isku daydo inaad sababta fahanto.
  • Haddaad fahanto sababta ilmahaagu u karkabaysan yahay, waxa kuu fududaan inaad jawiga dejiso oo aad ka hortagto karkabada.

Om stress.pdf

Sababaha keena karkabo

Karkabadu waxay keeni kartaa falcelin kala duwan oo yeelan karta sababo badan oo kala duwan. Filinkan ayaad ku baranaysaa wax badan oo arrintan ku saabsan.

 

Xasuusnow!

Karkabo daba dheeraata ayaa horseedi karta jirro dhimir, taa awgeed waa muhiim in la eego ifafaale karkabo iyo in la ogaado sababta.

Symtom på stress.pdf

Autism iyo karkabo

Filinkan waxaan guda gelaynaa sida carruurta qabta autism-ka ay u muujin karaan karkabo.

 

Xasuusnow!

EIlmaha qaba autism waxa

  • karkabadayn kara wax dadka kale moodayaan inuu fudud yahay
  • karkabadu uga muuqan kartaa hab kale oo duwan.

Falcelinta ilmuhu waa muujinta isku dayga ilmuhu uu ku xallinayo xaaladda. Falcelinta ilmaha mar walba macquul uma aha dadka kale. Tusaale ahaan, ilmuhu wuxuu bilaabi karaa inuu ku qoslo xaalad walaac leh. Waxay noqon kartaa hab uu kaga fogaanayo waxa isaga ku adag.

Autism och stress.pdf

Ka falcelin karkabo

Filinkan waxaan kugu siineynaa tusaalooyin badan oo ku saabsan ka falcelinta karkabo ee ilmaha qaba autism-ka.

 

Xasuusnow!

Ilmo qaba autism wuu falcelin karaa.

Haddii ay dhacdo falcelin karkabo - ha isku dayin inaad beddesho ilmaha, beddelkeed isku day inaad bedesho waxa ilmaha culayska ku haya.

Stressreaktioner.pdf

Xaalado karkabo leh

Filimkan waxaan dul maraynaa waxa inta badan loo arko inay karkabo ku yihiin qof autism qaba.

 

Xasuusnow!

Tusaalayaal xaaladaha karkabo keeni kara marka uu autism jiro:

  • dhacdooyin lama filaan ah
  • isbeddel hawl nashaad
  • degaan qasan
  • is beddelo kala duwan
  • raaxo darro.

Stressande reaktioner.pdf

Karkabada kurayada

Filinkan waxaan kaga hadlaynaa waxa karkabada u keena kureyada.

 

Xasuusnow!

Waxa karkabo ku ah dhalinyo oo dhan ayaa sidoo kale karkabo ku ah kuwa qaba autism-ka. Maadaama xiriirrada bulsheed iyo wuxuu jirkiisa ka dareemayo qof autism qaba ay kala duwan yihiin, waxyaabaha qaarkood sida xiriirka asxaabta iyo gelidda qaan-gaarnimada ayaa noqon karaan kuwo adag.

Xataa fikradaha ku saabsan ciladaada sheegideeda ayaa noqon karta karkabo.

Stress i tonåren.pdf

Qodobbo khatareed iyo qodobbo difaac

Hadda waxaan ka hadalnay karkabeeyayaasha iyo ka falcelinaha karkabo. Hadda waannu  sii wadaynaa oo ka hadli doonnaa waxa aan bedeli karno.

 

Xasuusnow!

Qodobbo khatar keena iyo kuwa difaaca ayaa labaduba ku jira ilmaha laftiisa iyo deegaanka. Waa muhiim in laga hortago Karkabada. Iska yaree arrimaha khatarta ah oo kordhi arrimaha difaaca ah.

Tusaale qodobbada khatarta keena:

  • isbeddellada
  • shardiyo adag
  • Waayo aragnimo xun
  • qaab maalmeed
  • Degaan qasan

Tusaale qodobbada difaaca:

  • qaabilaad qiiro yar
  • xirfado maalmeed
  • kalsooni fiican
  • qaab iyo fdiyaargarow
  • Khibrad fiican

Riskfaktorer och skyddsfaktorer.pdf

Koobka karkabada iyo jaantuska fowdada

Filinkan waxaan ku sharaxaynaa sida koobka karkabada iyo jaantuska fowdada ay isugu xiran yihiin. Haddaad fahanto sida ay isugu xidhan yihiin waxaad si fudud uga fogaan kartaa in ilmuhu ku dhaco ”meesha fowdada”.

 

Xasuusnow!

Marka fowdo la galo:

  • Dib u joogso, ilmahana nabadgeli.
  • Sug inaad hadasho ilaa inta ilmuhu ka xasilayo

Diiradda waa in lagu hayo sidii looga caawin lahaa in uu isdejiyo. Taa awgeed waa muhiim in xasillooni la muujiyo (ha hadlin, ha dhiirrigelin ama ha canaanan). Xittaa iska hubi in ay jirto meel gabbaad ah, in door ah ka fogow oo sii fursad uu ku nasto. Fikir oo meel kale u jihee waqtina sii.

Xittaa xasuusnow in welwelka iyo karkabadu siyaabo kala duwan isu muujin karaan, mar walba aaney keenin cadho iyo fowdo. Mararka qaar dibadda lagama dareemo, walow qofku weli dareen xoog leh gudaha ka dareemayo.

Stressbägaren och kaoskurvan.pdf

Waalid sheekaynaya

Karkabada autism-ka

Maqal waalid ka sheekaynaya sida ay caruurtoodu uga falceliyaan welwelka iyo karkabada. Emil waxa kale oo uu ka hadlayaa khibradiisa welwel iyo karkabo.

 

Dhammaadka casharka 4aad

Shaqo wacan!

Waad dhammaysatay qaybtii 4aad ee waxbarashada waalidka.

Inta lagu jiro webinaarka/qiimaynta, waxaan ka wada hadli doonnaa wixii aad soo dulmartay ilaa hadda ee tababarkan waalidka.

Ka fikir

  • Ma ku aragtaa naftaada iyo ilmahaaga mid ka mid ah waxyaalihii laguu sheegay qaybtii hore ee tababarka?
  • Ilmahaagu ma leeyahay dhibaatooyin dheeraad ah oo aan la xidhiidhin autism-ka?
  • Sidee dareentay markaad ogaatay in ilmahaagu qabo autism?

Casharka nuxurkiisa

Haddii aad rabto inaad akhriso nuxurka filimada casharka 4aad, riix dukumeentiga hoose.

Lektion 4.pdf