Väderläget påverkar delar av sjukhuset
Akut vård upprätthålls. Störningar i trafiken kan påverka bland annat transporter. Läs mer om ditt besök, kontaktvägar, uteblivna besök, med mera.
Casharkii hore waxaan ku soo baranay karkabada iyo welwelka cunuggaga qaba autism-ka iyo sidii aad ka hortag u samayn lahayd.
Hadda casharka 5aad, oo ah qaybtii u dambaysa, waxaan ka hadli doonnaa dugsiga iyo xilliga firaaqada.
Filinkan waxaan ku sharraxaynaa sida ay u dhib badan tahay hal maalin oo dugsiga la joogo, annagoo dhinacyo kala duwan u eegayna.
Hal maalin oo iskuulka ah siyaalo badan ayey u dhib badnaan kartaa. Ma aha aqoon maaddo oo qura waxa loo baahan yahay in la barto.
Filinkii hore waxa lagu siiyey tusaale ah sharuudaha la saaro ardayda iskuulka.
Hadda waxan ka hadlaynnaa shuruudaha adag ee shaqada iskuul ee ardayda autism-ka qabta.
Ilmaha qaba autismka waxa aad ugu habboon inuu helo hab shaqo oo qaabaysan oo leh tilmaamo cad iyo taageero sawir ah.
Filinkan waxaan guda gelaynnaa sababta biririfta iyo guurguuritaanku iskuulka loogu arki karo wax adag.
Ilmaha qaba autismka, biririftu mar walba uma aha nasasho. Marar baa, tusaale ahaan, waxa ku adkaan kara ogaanta waxa la qabanayo biririfta.
Biririftu sidoo kale ma qaabaysna oo wax lama filaan ah ayaa dhici kara.
Filimkan, waxaan guda gelaynaa sharciyada iyo dukumentiyada lagu maamulayo hawlaha dugsiga.
Waxaa jira sharciyo badan iyo dukumeenti maamul oo qeexaya waajibaadka dugsiga. Mabda'a ugu muhiimsan waa in dhammaan carruurta la siiyo taageero iyo dhiirigelin si ay ugu horumaraan sida ugu macquulsan.
Ilmaha autismka qaba wuxuu u baahan yahay la-qabsiga aasaasiga ah ee dugsiga.
La qabsiga, tusaale ahaan, wuxuu ka dhigan yahay in ilmuhu helo tilmaamo, inuu barto wax ama uu muujiyo wuxuu bartay si ku habboon ilmahaas gaarka ah.
Filinkan waxaad ka heleysaa tusaalooyin la qabsiga ku haboon.
Tusaalooyinka la qabsiga aasaasiga ah waa:
Grundläggande anpassningar.pdf
Hadduu u baahdo ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay taageero si uu u buuxiyo shuruudaha aqooneed ee dugsiga. Filinkan waxaad ku baran doontaa wax badan oo taageerada la heli karo ah.
Haddii dugsigu ka shakiyo in ilmuhu aanu gaadhi karin shuruudaha aqoonta, dugsigu waxa ku waajib ah inuu si degdeg ah u baaro arrintan oo uu raadiyo hab lagu taageero ilmaha.
Horey ayaa laguugu sheegay in ilmuhu xaq u yeelan karo la qabsi dheeri ah iyo waxa loo yaqaan taageerada goonni ah. Laakiin maxay taasi dhab ahaantii ka dhigan tahay? Filinkan waxaad ka helaysaa dhawr tusaale.
Haddii la qabsiga aasaasiga, sida taageero sawir iyo tilmaamo cadcad, aaney ku filnayn, ilmuhu wuxuu xaq u yeelanayaa taageero dheeri ah.
Haddii arday u baahan yahay taageero goonni ah iskuulka ayaa samaynayaa barnaamij waxqabad.
Filinkan waxaad ka heleysaa macluumaad kooban oo ku saabsan micnaha barnaamij waxqabad.
Dugsigu ayaa hagaajinaya waxbaridda si arday gaar ahi u qaadan karo. Barnaamijyada waxqabadka waxaa go'aamiya maamulaha, ka dib marka laga helo ogolaansho mas'uulka ilmaha.
Filinkan waxaad ka helaysaa macluumaad kooban oo ku saabsan caafimaadka ardayda dugsiga (EHT = kooxda caafimaadka ardayda).
Caafimaadka ardayda ayaa mas'uul ka ah dhammaan dadaallada horumarinta waxbarashada, horumarka iyo caafimaadka ardayda.
Maxaa qofka la gudboon inuu ka fekerto xilliga dugsiga sare? Arrintaas ayaan kaga hadli doonnaa filimkan.
Way fiican tahay haddii dhallinyaradu ay iyagu qaadi karaan masuuliyad dheeraad ah waxbarashadooda xilliga dugsiga sare. Laakin wada shaqayn dhow oo u dhaxaysa waalidkaa iyo dugsiga ayaa weli muhiim ah.
Filinkan waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan halka aad la xiriirayso haddii dugsigu aanu shaqaynayn.
Wadashaqeynta guriga iyo dugsiga ayaa shardi u ah in dugsigu shaqeeyo. Isku day inaad la yeelato xog kala qaadasho joogto ah.
Dhibaato?
Haddii waxba shaqayn waayaan la xiriir:
Hadda waxaan diiradda saarnay dugsiga, laakiin waxa dhacaya wakhtiga firaaqada ayaa sidoo kale go'aaminaya sida ilmuhu dareemayo.
Filinkan wuxuu ku siin xeelado iyo talooyin ku saabsan sida aad ugu dhiirigelin karto ilmaha inuu helo waqti firaaqo oo macno leh.
Dadka qaba autism-ka waxay u baahan yihiin soo kabasho dheeri ah, marka waa inaad ku xisaabtanto marka ay timaado waxa la qabanayo xilliga firaaqada la yahay.
Filinkan waxaan kaga hadlaynaa wax badan oo ku saabsan waxa aad ka fikiri karto si aad uga caawiso cunugga inuu helo waqti firaaqo ah oo faaiido leh.
Muustiko garaac, jihayn, fardo fuul ama maadeys waxay noqon karaan hawlo ku fiican carruurta autism-ka qabta. Marka la qorsheynayo waxqabadyada firaaqada, way wanaagsan tahay in laga bilaabo danaha ilmaha. Waxa kale u baahan kartaa inaad ka fikirto deegaanka lagu ciyaarayo iyo siduu saameeyo ilmaha.
Sii akhri
Maqal waalid ka warramaya siduu ilmahoodu dugsiga ku ahaa. Emil wuxuu ka sheekeeyaa khibradiisa wuxuuna ku siinayaa talo fiican.
Hadda ayaad dhammayn rabtaa koorsada waalidka oo dhan!
Haddaad jeclaan lahayd inaad akhriso nuxurka filinka casharka 5aad, waxaad riixi kartaa dukumeentiga hoose.